Amnesty International Oo Cambaareysay Dilka Gabar 9 Jir Ahayd Loogu Geystay Muqdisho

0

War kasoo Xafiiska Hay’adda Amnesty International  ay kuleedahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa si kulul loogu cambaaraysay Falkii Askar Ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya maalin ka hor ku Toogteen Gabar 9 Jir ahayd oo Wax kabaraneysay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda Amnesty International ee Bariga Africa Joan Nyanyuki ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo Xirto Askartii ka dambaysay Dilka Gabadhaasi Ardayada ahayd islamarkaana ay  cadaalada hor keento Askartaasi.

Agaasime Nyanyuki ayaa sidodokale falkasi ku Tilmaantay mid laga xumaado oo Arxandaro ah Islamarkana sheegtay in la  baabi’iyay Mustaqbalkii Gabadhaasi iyo Rajadii qoyskeeda intaba loona baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay Baaritaano qoto dheer ku samayso Dilka Gabadhaasi.

Sidokale Hay’adda ayaa sheegtay in ay la xiriirtay Ehellada gabadha la dilay Islamarkana ay uga tacsiyeeyeen Geeridii Gabadhooda Deeqo Daahir Cali.

Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu toogta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaliya iyadoona inta badan Cadaalada La horkeenin Askarta Falalkasi geysta.