TOP NEWS:- Somaliland oo Si kulul Cambaaraysay Booqashada Madaxweyne Gaas ee Badhan

0

Kullan wadajir ah oo yeesheen Madaxda Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa lagu cambaareeyay socdaalka Madaxweynaha Puntland uu ku tegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Socdaalkaas waxay ku tilmaameen mid daandaanis ah,

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiinta labada xisbi oo kulanka ka dib shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Hargaysa waxay sheegeen in xukuumad Somaliland ay waajibkeeda ka gudan doontaan waxa uu ugu yeeray gardarrada maamulka Muqdisho ka wado xuduudaha Bari ee Somalinad

“Haddaannu Somaliland nahay far qudha ayaannu nahay, militeri ahaan iyo siyaasad ahaanna waannu difaaci karnaa dalkeenna,Badhinina guuri mayso, dawladdana waannu ku garab taaganahay wixii dan guud ah iyo difaaca qarankaba oo waa loo siman yahay,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

“Imaatinka madaxweynaha Puntland ee Badhani waxa ay muujinaysaa Daan-daansi, in iyada oo markii horeba laga wada-hadlayey in la nabadeeyo Tuka-rag in doc kale uu muran ka bilaabmaa waa daan-daansi, nabadduna cid walba waa dan, cid kasta oo abuuraysa xaalad ammaan-darro waxanu u sheegaynaa in qaranka waajibkiisu yahay inuu iska difaaco wixii gardarro ah.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu kuu sifeeyey socdaalka madaxweyne Gaas mid looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo deggenaanshaha ka hanaqaaday Somaliland,

“Waxannu halkan ka cambaaraynaynaa madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo kusoo xad-gudbay xuduudda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxana aannu arrintaas u aragnaa xad-gudub qaran, iyada oo caalamku la socdo dhibaatada maanta Tuka-raq ka taagani ay ka timi gardarradii hore ee dawladda Soomaaliya wasiirkeeda qorshayntu ku yimi Badhan, iyada oo taas hawsheedii lagu jiro oo aan waxba la isla meel dhigin inuu mar labaad dagaal meel kale ka furo, waxannu leenahay ka xukuumad ahaan waajibka nagaga beegan baannu ka qaadan doonnaa, waana arrin aannu u aragno in dawladda Federalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ka midaysan yihiin, si ay u carqaladeeyaan deggenaanshaha iyo nabadda ka jirta Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray magaalada Badhan, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Socdaalka madaxweynuhu wax carqalad kala kulmin maamulka Somaliland oo gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.