Madaxweynaha DDSI Cagjar oo gaaray Ereteria kulana la qaatay Madaxda dalkaas

0

Magalada Asmara ee Xarunta dalka Eriteria waxaa maanta gaaray Xubno uu horgacayey Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida mustafa Cagjar.

Soo dhaweyn kadib wafdiga Madaxweynaha DDS ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxda Ururada ONLF iyo JWXO sida uu sheegay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

”Maanta waxaan booqasho rasmi ah ku tagney Magaalada Asmara ee Dalka Eriteria, Waxaanu kula kulanay Madaxda ugu sare ee Ururkana JWXO ONLF, waxaan ka Wada hadalney Taariikhda Halgankii dheeraa & ku guriyo noqoshada Dalka gaar ahaan Deegaanka Soomaali Galbeed.

Jabhada ONLF iyo Ururo kale ayaa waxaa mudo dhowr Sano ah dagaal kula jireen dowladda Itoobiya balse xal laga gaaray kadib markii uu heshiis la galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.