Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo jawaab degdeg ka bixiyay mowqifka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii Kismaayo

0

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Islaashiga dowlad goboleedyada ayaa jawaab degdeg looga bixiyay mowqifkii maamul goboleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii maamul goboleedyada ku gaareen Kismaayo ee xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo inta badan ka soo baxaan Xogheynta Golaha ayaa lagu sheegay in heshiiska Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka aanu khuseyn Golaha, isla markaana aanu waxba ka bedeli doonin go’aankii maamul goboleedyada kasoo saareen Shirkii Kismaayo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Hirshabeelle u madax banaan tahay ka tashiga iyo go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo mid ummadeed.