DHAGEYSO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdishoo ayuu ku sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, kaddib wada hadalo dhex maray Madaxda Maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay wada hadal la furto dowlad goboleedyada.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in wada hadalo socday muddo afar cisho ugu dambeyn xalay la isku afgartay wixii khilaaf iyo tabashooyin jiray la xaliyo, iyadoo wada hadaladaas ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.