SAWIRO:- Xubno kasocda Aqalka sare oo dhuusomareeb gaaray

0

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta gaaray Maagaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, si ay uga shaqeeyaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana hoggaaminayey oo Guddoomiye u ahaa Sanatar Cabdi Xassan Cawaale Qaad-diid.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliiin ka tirsan Galmudug Sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana loo gudbiyey Gudaha Magaaladda iyadoo la filayo ina kulamo ay la qaataan Madaxda Galmudug.

Wafdigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa waxay kala yihiin :-

1) Cabdi Xassan Cawaale (Qayb-diid)

2) Jawaahir Axmed Cilmi

3) Yuusuf Geelle Ugaas

4) Deeqo Xassan Xuseen

5) Mustaf Maxamed Qodax

6) Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan

7) Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

8) Abuukar Axxmed Xaashi

9) Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex

Golaha Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa u istaagay siddii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.