XOG:- Cabdiweli Gaas oo balantii uga baxay Hogaamiyeyaasha Maamulada.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaaan in Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ka laabatay go’aankiisii hore ee ku aadanaa shirka Wada tashiga ee ka dhici lahaa Muqdish, kaas oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah.

Warkan ayaa intaaasi waxa uu ku darayaa in Dowladda Itoobiya ay gacmaha ka laabatay soo fara gelinta khilaafkan, taas oo culeys siyaasadeed ku noqoneysa mowqifka Maamul Goboleedyada.

Wararka aan ka heleyno Ilo wareedyadeena ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka codsaday Madaxda kale ee Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada in ay fursad u siiyaan inta ka dhiman bishaan, sidii uu uga soo qancin lahaa Madaxda Itoobiya iyo Kenya in ay soo fara geliyaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Dhexa.

Lama oga in dadaallada Axmed Madoobe ay mira dhal noqonayaan, balse Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka walaacsan gaabinta ku timid Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo haatan ku jira xaalad kala guur ah, maadaama la badaley Danjire Keating, Wakiilkii kalena aan wali xilka lagu wareejin.

Xaaf iyo Waare ayaa aaminsan in arrinkan iyo mowqifka Itoobiya ee ka dhanka ah ay ka faa’ideysan karto Dowladda Federaalka oo ay ku eedaynayaan in ay hoosta ka riixeyso mooshinada laga wado.

Dhinaca kale Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa haatan u nugul in ay dib ula heshiiyaan Dowladda Farmaajo, sida dhacday dhammaadkii bisha October ee sanadkii 2017-ka xilligaas oo ay taagnayd xaaladdan oo kale, lagagana gudbay heshiiskii is afgarad ee ka dhashay Shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Isku soo wada duuboo Go’aanka Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan ogolaanshaha shirka Muqdisho ayaa u fuudeynaya Ergeda Aqalka Sare ee Hirshabeelle, Galmuug iyo Konfur Galbeed in ay si deg deg ah ugu mira dhaliyaan wada xaajoodyada ay wadaan, waxaana la filayaa in aan laga war dhowrin dadaallada Madaxweynaha Jubalanad ee ku qotoma Itoobiya iyo Kenya.

Wixii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media