TOP NEWS:- Laba boqol oo ruux oo loo xiray dibedbaxyo ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in wadooyinkeeda waa weyn isugu soo baxeen boqolaal ruux oo ka careysan dad lagu diley magaalooyin ka mid ah dalkaas.

Ugu yaraan 23 ruux ayaa lagu diley labadii maalmood ee la soo dhaafay degaano ku yaalla duleedka magaalada Addis Ababa iyadoo dadkaasina ay yihiin kuwo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.

Illaa labo boqol oo ruux ayaa loo xirey banaanbaxyadan rabshadaha wata kuwaas oo qarxay kadib markii ay caasimada Itoobiya ay soo gaareen hoggaamiyeyaasha mucaaradka jabhada OLF oo xarumo ku lahaa dalka Eritrea.

Wararka waxay sidoo kale ay sheegayaan in la bililiqaystay labada suuq ee ugu wayn magaalada Addis Ababa ee kala ah Biyaasa iyo Marakaato.

Taliyaha guud ee booliska Itoobiya Zeyinu Jamal ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 300 qof oo lala xiriirinaya rabshadaha ka dhacay degmada Buraya oo ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu sheegay in dadka qaar ee dibadbaxyada waday ay isku dayayeen in qoryaha ay ka qaataan laamaha ammaanka ee xaaladda dejinayay.

Isku soo wada duuboo Qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay eedeynayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kaas oo bilaabay in uu dib u habeyn ku sameeyo siyaasada dalka Itoobiya.


TOP NEWS:- Laba boqol oo ruux oo loo xiray dibedbaxyo ka dhacay Magaalada Addis Ababa.