Jubbaland Iyo AMISOM Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Al Shabaab

0

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah ka yeeshay amniga deegaanada maamulkaasi.

Kulankan oo ka dhacay xero ku taalla duleedka Kismaayo ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al Shabaab, loogana saari lahaa gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale saraakiisha labada dhinac ayaa iska xog wareystay, sida looga hortagi karo weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada Jubbaland.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada hoostaga maamulkaasi Jubbaland, kuwaas oo weeraro iyo qaraxyo ka fuliya halkaasi.