DHAGEYSO:-Dooda Xildhibaanada Soomaaliya oo looga hadlay khilaafka galmudug

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii labaad dood kulul ka leh xaalada amniga ee magaalada Muqdisho iyo tan dalka, iyagoo eedeymo culus u soo jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dooda Xildhibaanada oo ahayd mid lagu kala aragti duwanaa, hadana Xildhibaanada aadka uga hadlayay dhaliilaha loo jeedinayay wax ka qabashada xaalada amniga ayaa aad u badnaa.

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in garoomaddii kubadda cagta lagu ciyaari jiray ay Al-Shabaab xireen, isla markaana aan loo baahneyn in dadka la sirin sida uu yiri

“Anniga waxaan codsanayaa si cad oo aan gambad lahayn Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa dalka isaga tagaan wax waa qaban waayeene”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/xakiin.

Sidoo kale Xildhiban Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in mar hore ay aheyd in Xildhibaanada ay aqriyaan qorshaha Xukuumadda ka hor inta aan la ansixin, isagoo xusay in dhibaatada ka dhalatay ay hadda muuqato.

Waxaa uu sheegay in arrimaha hada laga hadlayo ee Amniga 10-sano ka hor laga hadlayay, isagoo tilmaamay in aan Amni fiican la heleyn illaa dhaqaale laga helo.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ayaa soo jeediyay in Xukuumadda lala xisaabtamo, isla markaana wax kasta oo xaalada dalka la xiriira wax laga weydiiyo.

Xildhibaan Zakariye Xasan Cali ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaaraha loo yeero, waxna laga weydiiyo qorshihiisa amniga iyo balan-qaadkiisa 30-ka maalin ee Amniga.