SAWIRRO:-Wafdigii ka socday Aqalka sare oo gaaray magaalada Kismaayo.

0

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo maanta ka ambabaxay Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbland,halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Wafdigan oo ka kooban toban Xubnood ayaa Kismaayo u tegay iney xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda raadiyaan,waxaana Wafdiga hoggaaminaya Senator Axmed Xaashi.

Dhanka kale,Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedka Puntland shalayna gaaray magaalada Garowe ayaa maanta magaaladaasi waxay kula kulmeen madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas,Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Golaha Wakiilada Puntland iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada rayidka iyagoona kala hadlay arrimaha haatan taagan iyo sida ugu fudud ee lagu xalin karo.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.