Dowladda Iiraan oo sheegtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda afduub loogu heysto Soomaaliya

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Iiraan ayaa sheegay in muwaadiniin u dhashay dalkaas afduub loogu heysto gudaha Soomaaliya.

Abdulqafur Iranejad ayaa sheegay in 18 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah ay gacanta ku hayaan Burcad badeed iyo kooxo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in 18-ka ruux ee Kalluumeysatada Iiraan u dhashay afar ka mid ah ay heystaan Kooxo Burcad badeed, halka 14 kalena ay heystaan Al-Shabaab sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo lagu sii deynayo Kalluumeysatada Afduubka loo heysto.

Waxaa horay u jiray in la sii daayay kalluumeysato u dhashay Iiraan oo afduub u heysteen burcad badeed, kuwaasoo la qabtay, iyagoo si sharci darro ugu kalluumeysanayeen Xeebaha Soomaaliya.