TOPNEWS:-Soomaaliland oo joojisay Shidaalkii ugu imaan jiray Itoobiya.

0

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad  oo warqad soo saaray ayaa waxaa in wax shidaal ah aan la keeni Karin degaanada Soomaaliland, kaasi oo ugu imaan jiray dalka Itoobiya.

Sidoo kale  Wasiirka  ayaa amray in aan shidaal laga soo gelin Karin Magaaladda Baligubadle oo xad la leh Dalka Ethiopia.

Aamarkan ayaa waxa uu ku sheegay in looga gol leeyahay,  Maadaama ay Somaliland hadda la wareegtay Haamihii Shiidaalka, si loogu sameeyo suuq.

Qiimaha Shiidaalka ayaa isna halkiisii hore taagan, mana jirto hoos u dhac ilaa haatan ku yimid.