DHAGEYSO:- Wil iyo Gabar Somaali ah oo Barlamaanka Sweden kamid noqday

0

Iyada oo bishaan Siteenbar 9-keedii doorashooyinka Baarlamaaniga ay ka dhaceen dalka Sweden degmooyinka iyo gobaladda uu ka koobanyahay dalkaas, isla markanaa Soomaali ay ku jireen dadka u tartamayey doorashooyinka Baarlamaanka ee heer gobol ayaa waxaa guul ka gaaray doorashooyinka heer degmo Abshir Maxamed Cusmaan oo kamid noqday Baarlamanka dalka ee heer degmo.

Xildhibaan Abshir oo u warramaya Allagalgduud ayaa sheegay in uu kamid yahay xisbi kamid ah xisbiyadda dalka, ayna Soomaali kale ku tartamayeen kuraasta barlamaanka heer degmo, magaalada Eskinistiin oo u dhow magaalomadaxda Stockholm.

Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad ayaa bogaadiyey guusha Abshir Cismaan. Abshir ayaa ugu baaqay Soomaalida qurbajoogta in ay dalalka ay jogaan ay ka dhexmuqdaan, kana muuqdaan xisbiyadda dalaalkaas.