DHAGEYSO:- Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo xilka ka qaaday Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay galabta ku shireen magaalada Cadaado waxa ayna sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa sheegay in xilka laga qaaday Madaxweyne Xaaf.

Dhinaca kale Gudoomiye Cali Gacal ayaa sheegay in 47 xildhibaan ay u codeysay mooshin laga qaaday Axmed Ducaale Xaaf, sidaasna xilkii looga qaaday.

Isku soo wada duuboo Maamulka Galmudug ayaa u kala jabay labo garab , isla markaana waxaa laga yaabaa in uu yeesho labo Madaxweyne iyo labo Guddoomiye baarlamaan oo fadhigooda kala yahay Cadaado iyo Dhuusamareeb.

HOOS KA DHAGEYSO