AKHRISO:- Danjire Micheal Keating oo Ka Hadlay Xiisadaha Gobolka Sool.

0

Ergaygii hore ee Qaramada Midowbay u qaabilsanaaa Soomaaliya Micheal Keating oo xalay khudbadiisii ugu dambeysay ka jeediyey Xarunta Qaramada Midowbay ayaa si rasmi ah uga hadlay marxaladdaha Soomaaliya ee dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Danjire Micheal Keating ayaa waxa uu ammaanay hanaanka Soomaaliya ay wax uga codsadaan,waxaana uu diiradda saaray arrimaha muhiimka ah oo dhan, isagoo sheegay in marxaladdaha loo-marayo ay xaaladdu tahay mid soo hagaagayso.

Wakiiilkii xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Tukaraq oo ay isku hayaan maamulada Puntland iyo Somaliland,wuxuu sheegay in ay welwel ka qabaan marxaladdaas oo ay xooga saarayaan in la baajiyo dagaal dhaca.

Micheal Keating ayaa waxa uu caddeeyey in Qaramada Midowbay iyo Urur gobaleedka IGAD door weyn ka ciyaarayaan sidii dagaal oo dhan loo baajin lahaa, haddana ay qeybaha ugu horeeya isku raaceen oo ah in dagaal labaajiyo.