Ciidamada Uganda Oo dajiyay Calanka dalka kenya oo laga taagay Jaziirada Migingo

0

Ciidamada Amaanka dalka Uganda ayaa ka hor yimid iskuday dowlada Kenya ay ku doonaysay in calanka dalka ay ka taagto jaziirada lagu muransanyahay ee Migingo, arintaas oo sii xoojin karta ismarin-waaga  dhaxeeya labada dowladood. oo mudo ka 60sano isku haysta jasiirada mingingo oo ku dhextaala harada Victoria oo ah haro leh khayraad badan

Ciidamada Uganda ayaa dajiyay calanka Kenya oo laga taagay harada Victoria, iyadoo uu horay u jiray heshiis dhigayay in labada dalba ay si nabadgalyo ah uga wada kaluumaystaan haradaasi .

Mr John Obunge oo ah madaxa qaybta Maamulida jaziirada u qaabilsan dowlada Kenya. aya wuxu yiri ” “Waxa ay hoos u dhigeen Calanka iyagoo sidoo kale uga digay ciidamada Kenya in markale Calanka ay halkaasi ka tagaan, ” Mr. Obunge ayaa intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay ka soo baxeen goobta lagu muransanyahay si looga fogaado iska horimaad dhexmara laba Ciidan.

Harada Victori ayaa dhacda inta u dhaxaysa dalalka Tanzania, Uganda iyo Kenya waxaana  Kenya ay  ku leeyahay 4,100km oo isku wareeg ah, halka Uganda ay ka leedahay 31,000 Km oo isku wareeg ah, balse Ciidamada Uganda ayaa marar kala duwan xabsiga dhigay kaluumaysato Kenyaan ah oo haradaasi ka kaluumaysanayay .