Qaramada Midoobay Oo Safiir Cusub U Soo Magacaawday Somalia

0

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magacaabay Wakiilka Gaarka ee Jimciyadda Quruumaha kadhaxaysa u Fadhindoona Somaliya Nicholas Haysom kaas oo Badalidoona Meachel Keating.

War- kasoo baxay Xafiiska Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mr Haysom uu noqondoono u Qaabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaliya Ahna Madaxa Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Soomaliya.

Ergayga cusub ee Qaramadi Midoobay u soo magacawday Soomaaliya ayaa ka soo jeeda dalka Koofur Africa, Waxaana uu Badalayaa Keating oo Ingiriiska u dhashay.

Mr Haysom oo 66 jir ah kana soo shaqeeyay Dalalka Koofurta Sudan iyo Afghanistan halkaas oo Wakiil uu uga soo noqday Qaramada Midoobay.

Waana Sharci yaqaan ku Xeel dheer Arrimaha Dimoqoraadiyada, Dowlad Wanaaga, iyo Doorashooyinka.

Meachel Keating ayaa ahaa Wakiilka Qaramada midoobay ee soomaaliya tan iyo Sanadii 2016 Xiligaasi oo uu xilka Kala wareegay Nikolas Key oo kasii horeeyay