Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ku Wajahan Magaalada Cadaado

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo kamid ah kuwa isaga garabka la ah,waxaana lagu wadaan in Saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Cadaado

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xunaha Xildhibaanada ah ee la socda ayaa Cadaado u tagaya  sidii Waxgaradka Galmudug ay ugala hadli lahaayeen Mooshinka ka dhanka Guddoomiye  Cali Gacal Casir oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.