Diyaarado Duqeeyn ka gestay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha Dhexe

0

Duqeymahaan oo at fulinayeen diyaarado dagaal ayaa waxa ay ku garaaceen deegaan hoostaga magalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhaxe.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa la sheegay in lagu garaacay Nawaaxiga deegaanada Ganboole iyo Jiriyaale oo dhaca galbeedka magalada Jowhar.

Waxaan la’ogeyn halka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta geystay laakiin dadka deegaanka ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in mar qura ay ka warheleen diyaarado joog hoose ku duulaya iyo dhawaqa jug aad u culus oo aheyd duqeynta ay diyaaradahaas geesanayeen.

Majirto faahfaahino illaa iyo hada laga helay Khasaaraha ka dhashay duqeyntaas oo u muuqatay mid lagu beegsanaayay goobo la tuhunsanyahay in ay ku sugan yihiin Al Shabaab.