AKHRISO:- Ciidanka Kenya oo Macalin dugsi Quraan ku dilay Ceelwaaq

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Daba-city ee hoostagga Ceelwaaq Kenya, ciidamada Kenya ayaa halkaasi waxa ay ku dileen macalin Dugsi Qur’aan iyo laba arday.

Dad goojoog u ahaa dhacdadaasi ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen marka hore ciidanka Millatariga Kenya in macalinka ay ku jir dileen Dugsigiisa, intaasi kadibna ay si toos ah u toogteen macalinka iyo labada arday.

Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaam Macalim Aways, halka labada wiil ee lala dilay oo walaallo ahaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan.

Falkan dilka ah ee ka dhacay Ceelwaaq Kenya ayaa waxaa si aad ah uga argagaxay dadka degaanka, iyada oo dadkan la laayay loo soo qaaday dhanka Ceelwaaq Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo.

Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ee ay ciidanka Kenya ka geystaan Koonfurta Soomaaliya iyo dhulka ku xeeran xuduuda ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, weli ma jirto talaabooyin arrimahan wax looga qabanayo.