Akhriso:-Dagaalyahano Weeraro Ka Geysan Rabay Muqdisho oo La Toogtay

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) ayaa dilay koox la sheegay in ay weeraro ka geysan rabeen Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa la sheegay in raggan lagu dilay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ciidamadda ay weerareen.

“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa isrisaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Alshabab ah kuwa kalana lagu dhaawacay. Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Hay’adda ayaa sheegtay in saacado ay ku sugnaayeen Ciidamadda Nabadd Sugidda deegaanka Mubaarak,balse markii dambe ay isaga soo baxeyn.