DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo ”Barlamanada Galmudug & Hiirshabele wan la shaqeynaynaa ”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee golaha shacabka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muddo kooban heshiis looga gaaray arrimo ay kamid yihiin qaybsiga khayraadka iyo hannaanka doorashada.

“ Waxaa heshiis laga gaaray siyaasadda wada xaajoodyada wadaaga khayraadka sida kalluunka, Batroolka,macddanta iyo hannaanka doorashooyinka dalka , waxaa la dardargeliyay qaadista canshuuraha taaso ah jidka kaliya ah ee aan kaga bixi karno gacan hoorsiga shisheeye uuna shacabka Soomaaliyeed ku heli adeega dowladda” ayu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay isbaddallada ka socda gobolka geeska Afrika, wuxuuna sheegay in lasoo xiray albaabadii ugu dambeeyay ee Isfahan la’aantii u dhexeeysay dalalka gobolka islamarkaasna ay u gudbayaan marxaladda iskaashi.

Wuxuuna sheegay in Dowladda dhexe ay la diyaar la tahay wada shaqaynta maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

“ Guddoomiyeyaasha golaha shacabka Hirshabelle iyo Galmudug waxaan idiin sheegaya in aan diyaar idiin la nahay in aan idiin kala shaqayno danta guud”