DHAGEYSO:-Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble,oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Howlgal ay ka fuliyeen Xaafadda Suuqa Xoolaha ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab,kaa in muda ah ay ku raad jogeen Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada ay isku dayeen in si Nabad galyo ah ay u qabtaan Sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab,si loogu soo bandhigo Shacabka Soomaaliyeed,laakin uu asiga Weerar soo qaaday,isla markaana uu dilay Hal Askari mid kalana uu dhaawacmay,Waxa uuna sheegay in markii dambe ay Ciidamada u suura gashay in ay toogteen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.