Akhriso:-Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxii degmada Hodan.

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa kaga hadleen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray xarunta degmada hodan ee gobalka Banaadir.

Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dileen askar,saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in ay bur-buriyeen dhamaan dhismaha xarunta degmada hodan ee gobalka Banaadir.

Al-Shabaab ma sheegin tirada dadka ay ku dileen qaraxii maanta ay ku weerareen xarunta degmada hodan.