DHAGEYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku gacan sayray shirkii kismaayo

0

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Eng C/xakin Xaaji Cabdullahi Cumar “Camey” ayaa wareysi uu caawa siiyey Warbaahinta waxa uu kaga soo horjeestay go’aankii maanta kasoo baxay shirkii Kismayo ee xirirka loogu jaray dawlada federaalka ee Somaliya.

Camey ayaa dhanka kalena wuxuu si diirran usoo dhaweeyey qoraalka rasmiga ee uu soo saaray madaxweynaha Somaliya Md. Maxa’ed C/laahi Farmaajo kasoo hoggaanka dawlad goboleedyada iyo kan dawladda dhexeba loogu yeeray inay kasoo qayb galaan shir la xiriira masiirka Soomaliya oo 17ka ilaa 18ka bishan Sept ee 2018 ka dhacaya magalada Muqdisho.

Docda kale Md. Camey wuxuu ka hadlay xiisadda gobolka Sool, isagoo jooga Garowe ayuu khadka telefonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman” oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.