TOPNEWS:-Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab

0

Ciidamada milatariga Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/ Hoose.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ay saameyn xoogan ku yeesheen dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee magaaladaasi.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in howlgalladan lagu soo qab qabtay in ka badan 30 ruux oo lagu eedeynayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Sidoo kale Warbaahinta Qaranka ayaa baahisay in xubnaha la qabtay uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhinaca dilalka qorsheysan, sida la sheegay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka jireen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona uu haatan halkaaasi uu ku sugan yahay  abaanduulaha cusub ee Ciidanka xoogga S/guuto Odowaa Yuusuf Raage.