DHAGEYSO:- Askari iyo Talihii Qaybta Booliska goblka Nugaal oo ku Dhawacmay Rabsho ka dhacday Magaalada Garowe

0

nta la xaqiijiyey Hal askari ayaa ku dhawacmay waxaana sidoo kale la xakameeyey Rabashadii saaka dhacday Taliska gobolka Booliska gobolka.

Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal faarax Galangooli oo Warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay hayeen kuwo horay looga saaray Liiska Taliska Qaybta kadib markii shaqo Gudasho la,aan la yimaadeen.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa sheegay inuu dhawac kasoo gaaray Weerarkii saaka xiligan uu ku hawlanyahay sidii uu isaga soo saari lahaa Khasaarihii kasoo gaaray Dagaalkii saaka

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu Alle Caafimaad u waydiiyey Askariga dhawaca wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Askarta kale oo ay isku ficilka yihiin dhalinayrada saaka weerarka ku qaaday Taliska qaybta in lasoo xiri doono dhamaan.

Dhankale Dib u haybayntii lagu wadday ciidamada Amaanka ee gobolka Nugaal ayaa looga saaray liiska Booliska 34 Askari oo dhaman ka tirsanaa ciidamadii Booliska gobolka Nugaal kuwaasoo lagu bedelay ciidamo cusub sida ay sheegeen gudiga Nabad Galyada gobolka Nugaal.