DEG DEG:- Xoghayihii Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo La Soo Daayay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in xabsiga laga soo daayay xoghayihii ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo halkaasi ku xirnaa., Sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasin Maxamed maanta loo masaafuriyay magaalada Muqdishu.

Cabdiqani Yaasin Maxamed oo ah xogahayaha ra’iisul wasaaree ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo labo toddobaad ah ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Xeer ilaalinta Somaliland waxay sheegeen in sababta loo xiray ninkaasi ayay hayd inuu qaab dhuumaalaysi ah ku joogay magaalada Hargeysa.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.