Shirka FOCAC oo maanta lasoo gabagabeynayo

0

Shirka FOCAC ee iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha.

Madashan ayaa maalinimadii shalay aheyd waxa ay ka furantay Beinjing, waxaana la isla gartay in maalgashi ballaaran uu Shiinuhu ku sameeyo qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa ballanqaaday in $60billion uu Afrika galin doono, iyada oo diiradda la saari doono sideed qodob  oo maalgashigu saldhig unoqon doonta.