SAWIRRO:-Micheal Keating oo la kulmay Madaxda maamul goboleedyada

0

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa kulan Magaalada Kismaayo kula yeeshay Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Kismaayo, waxaana lagu waddaa in ay yeeshaan kulan looga hadlaayo horumarinta Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa kala hadlay Madaxda maamul goboleedyadda sidii loo horumin lahaa maamulada iy in la wanaajiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa saluugan hanaanka shaqadda ee dowladda dhexe ee Soomaaliya.