DHAGEYSO:- Maxamuud Sayid Aadan ” Majirro Khilaaf u dhexeya Madaxda Jubbaland ”

0

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo maanta dib ugu laabta Magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa ka hadlay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in sababta uu u tagay Nairobi ay ahayd sidii uu madaxda Kenya ugala hadli lahaa duqaynta lagu hayo shacabka lugu duqaynayo qaybo kamid ah Gobalka Gedo.

Wuxuu ka hadlay sido kale Banaanbaxyo kadhacay gobalka Gedo ,iyo waliba Khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo Madaxda Jubbaland.