TOPNEWS:-Xaalada Tukaraq Oo Ka Duwan Sidii Hore Maxaa Soo Kordhay?

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay booqan doonaan wasiiro katirsan golaha xukuumadda Puntland.

Wasiiradaan oo ay kujiraan xubno gudiga difaaca Puntland katirsan iyo kuwa kale oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa waxa ay kuur geli doonaan xaaladda ciidamada Puntland iyo qorshaha dagaalka.

Puntland ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadi doonto deegaamada ay Soomaaliland kaga sugan tahay gobolka Sool isla markaana aysan aqbali doonin wax heshiis ah inta Soomaaliland joogto ciidda Puntland.