Khilaaf u Dhaxeeya Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashadda

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa haatan jira khilaaf u dhaxeeya Maamulka Gobolka banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya oo salka ku haya cid qaadanaysa lacagaha lagu soo rogay Jaamacadaha Magaaladda Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Jaamacadaha ka dalbaday inay iska diiwan geliyaan Gobolka Banaadir, iyadoo laga rabo lacag dhan $1000 oo ah is-diiwaangelin, iyo inay Gobolka geeyaan qoraal iyo dokumentigalahaanshaha Jaamacadda.

Balse qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxba kama jiraan kaga dhigtay lacag diiwaangelin oo maamulka Gobolka Banaadir kusoo rogay jaamacadaha ka dhisan Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabada maamulka u qaaday ay tahay sharci darro, islamarkaaana kasoo horjeedo sharciga waxbarashada Sare ee dalka, iyadoo ka dalbatay Maamulka Gobolka banaadir inuu dib uga laabto arrintan.