FAALLO:- Doraad Axmaar ,Shalay Tigree ,Maantana Oromo, Soomaali u dabaal dagaysa Gumaadka Madaxdooda

0

Wax yar ayaan u dulmari nafkastoo wax garata oo soomaaliyeed,anigoon kolaba ka faaloonin hore waxa ka dhacaya dhulka soomaaliyeed ee gumaystuhu haysto sida xooga iyo xaqdarada ku salaysan iyadoo dadkii iska lahaa loo diidan yahay xoriyadooda iyo madax banaanidooda ay xaqa u leeyihiin.

Saancadaalihii reer yurub ee qaybsaday dhulka soomaaliyeed,ee qaybiyay dadkii soomaaliyeed ayaa 1948 ku wareejiyay dhulka soomaaliyeed ama soomaali galbeed,afrikaan aan garasho dheer lahayn oo loo afduubay xukunka dalka layiraahdo ethiopia oo ah iyagu dad loo keenay diinta kiristanka kuwaas oo ah ABASIINIYA.

Abassiniya waa dad yar waxaana in badan ka badan sida oromada oo kale,laakiin tigreega iyo axmaarka oo ah abassiniya waxaa loo isticmaalaa ka hortaga islaamka iyo dano guracan oo ay bariga afrika kaleeyihiin reer galbeedka iyo yuhuuda wada socdaa. waxaa ethiopia laga dhawraa in xukunku ugacan galo dad islaam ah iyo qoomiyadaha aan ahayn abissiiniya.

Waxaan oganahay in reer galbeedku dhulka soomaali galbeed sahamiyeen xiliyo hore 1900-1937 dii.sahankaa oo loo sheegay gaalada ethiopia ee xukunka lagu hayay in dhulka soomaalida uu yahay midka kaliya ee leh dhulbeereed waa dasac ah oo fidsan buuraleeyna aan ahayn,inuu leeyahay xoolo tiro badan iyo in uu leeyahay barool iyo gaaska dabiiciga ah oo waliba uu aad hodan uugu yahay. ethiopia mudo dheer ayay waar diye ka haysaa dhulka soomaaligalbeed waana sababta ay u guumaysanayso sababaha uugu wayn,mana aha waxay garteen ee waa fikir reer galbeed iyo yuhuud gashadeen.

Hadaan usoo laabto mawduuca,waxaa igu kalifay in aan wax ka iraahdo,markaan arkay dad soomaaliyeed oo dal iyo dibadba mashxarad iyo damaashaad ku jira,anoo uba qaatay sidii in dhulkeenii soomaaliyeed ee cadawgu haystay helay xoriyadiisii. hadaan wax sii hubsaday waxaa ii soo baxday,waxaa loo mash xaradayaa madaxwaynihii soomaaligalbeed oo cadaw qabtay oo gumaadayo oo xabsi loo taxaabay!!

Soomaalidaa tiraahda iloowsho dhawaa ma umulbaa! Xiligii Axmaaro dalka ethiopia maamulaysay,soomaaligalbeed madaxdeeda iyo odayaasha dhaqanka iyo ninkii leh dadnimo waa xirayeen oo gumaadayeen waligeedba,markii Axmaaro laga qaaday xukunkii oo Tigree yimid waxaa loo sheegay soomaaligalbeed in isbadal dhacay oo hada ay liibaanayaan,soomaaligalbeed mashxarad iyo dabaaldag ayay galeen iyagoo leh Axmaarkii laga raysay Tigreena amaanaya oo madaxa kuwata.

Tigreegii mudo yar kadib waxa uu bilaabay,si kadaran gumaadkii Axmaarada ku haysay soomaali galbeed,kolba nin buu u dhiibaa kursiga soomaaligalbeed,kuu ka qaadana xabsi buu dhigaa wuuna bahdilaa, marka waa laba uun mar ninka madaxda ah lagu amro in uu dadkiisa gumaado iyo mar isaga lagumaado,waayo soomaali galbeed maha ethiopian xorna ma aha ee waa dal ku jira gumaysi nooca uugu xun ee ka jira caalamkan.

Madaxweynuhu marka shacabka lagu diro ee uu gumaado waxa uu isu haystaa in isaga la rabo ileen sidaa wax loo tusay ee,shacabkuna markii madaxweyna hoodii lagumaadaayo waxay isu arkaan in xaqii dilaacay oo dawladu markaan u cadaalad fashay oo shacabka u hiilisay! dhabtuse waa dad aan taladu iyaga ka gu in xorna ahayn ee lagumaysto sidaana loo qorsheeyay.

Oromo ayaa hada timid xukunkii Ethiopia wali ma hayno xam xam hoose mid muuqata warkeedba daayoo oo ah fikirkii Abasiiniya ee ahaa in laguumaysto dhulka soomaaligalbeed oo si xooga looga mid dhigo ehtiopia si khayraadkiisa iyo dadkiisaba loo yeesho,sidaa wax kabadalan oo ah war dadkan islaamka ah ee soomaaliyeed hala madax baneeyo oo xoriyadooda hala siiyo mahayno,hadaba wax cusubi meesha mayaalo.

Anigu kuma farxi karaayo kumana qanci karaayo cabdi ileey ayaan soo xirnay waayo dad buu gumaaday oo waa danbiile,Tigreegii 30 sanadood gumaadaayay oromo iyo soomaali si gaara waa kuwaan sida xorta ah u jooga guryahoodii,axmaarkii oromo iyo soomaali qarniyaal gumaadaayay wakan suqa tamashleeynaya kuwii dadka gumaaday ee dil iyo xabsi ugaystay,kol haday sidan tahay ma arko cadaalad iyo wax u dhaw oo ay Oromo samaynayso,ee waxaan u arkaa sidii Axmaarkii iyo Tigreegii si lamid ah in ay u gumaadayso madaxda soomaaligalbeed iyo shacabkoodaba.

Waxay ahayd hadii cid wax xasuuqday iyo dulmi la raacdaynaayo,xaqu waxaa weeye in axmaarada laga bilaabo kadibna lagu xijiyo tigree, maxaa yeelay waa qoowmiyado dalka soo xukumay,laakiin Soomaaligalbeed waligood ma helin xukun ay qabtaan oo ehtiopia u taliyaan,taa iska daayoo waa dal aan xor ahayn oo lahaysto,wixii dhexdiisa ka dhacana waa arin uu sameeyay rajiimka xukuma ethiopia. cabdi iley masamayn karo waxaan dawlada ethiopia ku amrin kumana dhici karayn majira xor maha isaga iyo dalkiisuba.

Oromo ragii falkaa gaystay ee cabdi ileey amarka siinaayay,may taaban kolkaa waxa la gawracayaa saw aniga soomaaliga ah uun maha? gabanka oromo abey ahmed wax kalaba daayoo kuwii dadkiisii oromo gumaaday ah axamaar iyo tigree sidaa uma uusan jaleecin,oramada dhexdeeda wixii ka dhacay sidaa uuma uusan jaleecin xagee cadaaladu taalaa iyo isbadalku?

Ceebweeye in qoowmiyada gumaysiga ku jirta ee soomaaliyeed ay u mash xaradaan qof iyaga ah ama ha ahaado madax ama qof caadiya oo shacab ah oo gumaysigu silicdilaayo. waxaan rabaa in aad ifahantaan halkaan ka hadlaayo,macnuhu maha in aan difaacaayo qof danbi galay oo madax ah ama shacab ah oo soomaaliyeed,ee waxay arintu tahay in aan meel fog wax ka eegno iskuna kalsoonaano.

Waxaan aynu xaqa u leenahay ayaa ahaa laba mid uun,in waxay inaga galeen oo danbi ah madaxdeena soomaaligalbeed aan inagoo soomaali ah magaalada jigjiga ku saaro maxkamad si cadaalad ah oo haday dil tahayna tiirka la geeyo haday xabsi tahayna xabsiga lageeyo,haday cafistahayna la cafiyo.

Sida cadaatayna Oromada meesha timid,inooma ogola sidii kuwii ka horeeyayba in aynu nahay dad jira oo arimaha dhexdooda iyo dagaankooda xalisankara,karaamadii ayay inaga qaadeen ka soomaali ahaan,ka qoowmiyad ahaan,hasa yeeshee dhib gaara uma aynaan arki lahayn hadii aynu aragno kuwii cabdi iley dirsaday iyo kuwii ku la jiray faldanbiyaadka loo haysto,madaxdii iyo saraakiishii qowmiyada axmaaro iyo kuwa tigree iyo kuwa oromo oo iyagana sidaa cabdi ileey loosoo qabqabtay oo kuligood si siman oo cadaalad ah loowada ciqaabayo.

Gabankan Oromo muusan abaarin cidii mudnayd in la abaaro oo sharciga hortiisa la keeno,wuxuuse u muuqdaa mid iskoolwiido ka dhigtay soomaaligalbeed hade ma aqaan markuu isteerinka fadhiisiiyo oo gacantu u dagto in kadib uu aadi doono tigree iyo axmaaro walow aniga ka soomaaligalbeed ahaan uu marwalba godob iga galay hadana ma aan filaayo in uu sidaa yeeli karo.

Maxaa la gudboon soomaaligalbeed wixii dhacay waa dhaceene? waxaa la gudboon in ay fahmaan waxa ay yihiin oo ah soomaali,waa in ay ka dagaalamaan fikirka gumaysigu marwalba ka faa iidaysto oo ah in walaalaha soomaaliyeed lagu kala qaybiyo qabiil.sida axmaaro u leedahay qabiilo kala duwan hadana ay u yihiin mid qura oo ah qowmiyada axmaara,sida tigreegu u yihiin tigree sida axmaara iyo tigree u yihiin abasiiniya,sida Oromo utahay qawmiyada Oromo waa in soomaaligalbeed u ahaataa qowmiyada soomaaliyeed. Kadib waa in aad difaacataan dhaqankiina afkiina iyo diintiina la doonayo in laydinka badalo ama la idinka barxo aakhirkana meeshaba laga saaro aayaha danbe.

Waxaa xiga isha kuhaya ehtiopia siyaasadana la socda,aayaha dhulkiina ka fakara si taxadar leh hada ula socda dawladan cusub ee Oromo horboodayso,Madaxweynihiina Mustaf sibuuxda ulashaqeeya isku duubnaada hormarka dhulka soomaaligalbeed xoog saara. waxa kaliya ee inoo muhiimka ah waa nabada dhulkeena iyo isku duubni waa oganahay waxa uguntan ehtiopia iyo siday noo arkaan waxaase hubaal ah in aynu guulaysan oo gaari doono halkaan higsanayno maalin maalmaha kamid ah,shaki malaha taasi. maanta majirto maalin ay inooga fiicantahay barina waa kasii fiicnaan aayar hala guuro aayar hala socdo.

Qofkastoo Soomaaliyeed waa in uusan waligii aqbalin in qof soomaaliyeed oo qarankiisa iyo adiga shaqsiyan kaa galay danbi intuu doonaba danbigaasi hala ekaadee in uu ciqaabo ama dilo shisheeye neceb sinjiga soomaaliyeed una dilaya cadaawad fog oo uu u qabo magaca iyo jiritaanka soomaaliyeed,tan waa in aadan sina u aqbalin. waxaad ku ciilbixi kartaa xaqna ah markaad adigu ciqaabato qofkaagii adigu dilato qofkaagii adigu cafiso qofkaagii,laakiin kuma ciilbaxaysid in qofkaagii uu dilo shisheeye cadaw ah oo aan u dilayn ama u ciqaabaynin adiga dartaaye u arka in isaga iyo adiguba aad u simantihiin isugu midna aad u tihiin hal cadawna idiin arka. arimaha noocaas ah qofkaan garanayn waa ayaan daro weeyn iyo dhab ahaan dadkoo kuu arkaya cadawga ah qof aan jirinba.

Waxaan u rajaynayaa soomaaligalbeed isku duubni nabad galyo buuxda hormar dhaqaale iyo mid wax barasho magaca soomaaliyeed oo kor looqaado iyo xushmayn la siiyo qofka soomaaliga ah karaamadiisa iyo jiritaankiisa qofeed iyo soomaaliyeedba.madax ka dhigta dhalinyarada halka talada la waydiinayo ruugcadaaga akhyaarta iyo odayaasha soomaaliyeed ee qiimaha badan.

Ragii soomaaligalbeed madaxda ka noqday ee ka horeeyay cabdi ileey,meeye? xabsi iyo jirdil ayaa mid waliba ku danbeeyay halka cabdi ileey yahay mid maray uun wadadii la marsiiyay walaalihiis soomaaliyeed. waxaa haboon in dadka soomaaliyeed aad uuga fikiraan dantooda guud iyo isku duubnida dhexdooda ah casharada ay soomareen kuwa hada dhacaya iyo kuwa soosocdaba ay ka fikiraan si qodo dheer. Madaxbaa laguu sameeyay cid kaala tashatay majirto,raacbaa lagu yiri waad raacday, dadka dilaa layiri way ku dileen sidii lagu siiyay amarkaba,adoon waxba lagaa waydiin ayaa hadana iyagii hortaadii lagu dilayaa,xikmadaas oo ah mid sal fog leh oo guracan macnaheeda uugu yari ee looga goleeyahayna uu yahay in adiga lagu ogolaysiiyo xukunka ethiopia iyo in aad ehtiopian tahay waa jilcin iyo edibn iyo carabin kugu wajahan,waana macnaha uugu yar ee ay leedahay,madax usamee far inay shacabka gumaadan kadibna soo qabso madaxdii tusi dadka shacabka ah in aad karbaashayso oo aad tahay mid shacabka wax ka celinaaya oo xagiisa loosoo cararo!! dad ayaan aad u fahan sanayn waa maxay gumaysi?

W/Q Yuusuf Cumar

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here