DHAGEYSO:- Siyaasi Aden Max’ed Guhaad ” U Malayn maayo Dagaalka PL& Somaliland mid istaagaya ”

0

Aqoon yahan Aden Max’ed Guhaad oo ka mid ah aqoon yahanka reer PL ee deggan dalka Ingiriiska sida weynna u falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta wuxuu ku sheegay inaysan jirin waddo lagu baajin karo dagaal mar kale dhexmara PL&Sld oon ka ahayn in ciidanka Somaliland ay ku noqdaan dalkoodii.

Md. Guhaad ayaa dhanka kalana ka hadlay doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaanada PL iyo marxaladda guud ee dalkeenna Somaliya. Aden Guhaad ayaa isagoo jooga dalka Ingiriiska wuxuu khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman” oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.