DHAGEYSO:- Carabey ” Aniga iyo Xaaf waan isku soo dhawaanay waana dhamanaya khilaafka ”

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo weli ku sugan Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay halka ay marayaan Wadahadaladii lagu dhex dhexaadinayey Madaxda is khilaafsan ee Galmudug.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa waxa uu sheegay in wahadaladaas ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya,isla markaana intiisa badan khilaafkii jiray la xaliyey inta harsana la dhameystiri doono.

“Runtii dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka madaxda Galmudug inta badana waa la dhameeyey,madaxweyne Xaaf iyo anagana waan isku soo dhawaanay ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.