DHAGEYSO:- Aqoonyahan si kulul uga hadlay Maxkamadeynta Cabdi iley

0

Aqoon yahan Faysal Cabdi Rooble ayaa ka hadlay maxkamadaynta Madaxweynihii hore ee dawladda S/Galbeed (Somali State) oo shalay ka hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaas oo loo haysto gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo hurinta colaado ku salaysan qoomiyado.

Md. Rooble ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Muxumed Cumar uusan Somalida ka samayn waji iyo abaal hore oo mudaharaadyo loogu sameeyo sidii Qalbi-Dhag, balse wuxuu walaac ka muujiyey sababta loo maxkamadaynayo Cabdi Muxumed oo kaliya iyadoo ay banaanka laafyoonayaan madaxdii xukunkii TPLF ee hoggaaminayey xukunkii hore ee Itoobiya iyo qab-qablayaashii Oromada ee caadaystay dilka dadka Somalida.

Docda kale Faysal waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan maamulka cudub ee ka dhashay dhulka S/Galbeed. Isagoo jooga dalka Maraykanka ayuu khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman” oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.