AKHRISO:- Dagaal xalay Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda ku dhexmaray Marko

0

dagaal geystay khasaaro ayaa xalay kadhacay Magaaladda Marka kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weraar kusoo qaaden Fariisimo ay Ciidamadda dowladda ku sugnayeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay Magalada ka weerareen dhinaca xigta Jilibka Marka ee Xeebta ah,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo Saacad ku dhow socday.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Marka iyo saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka October oo dhawaan la wareegay Magalada weli kama hadlin dagaalkaas xalay ka dhacay Magalada Marka.