SAWIRRO:- Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray magaalada Caabudwaaq.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud, ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay uu goordhow gaaray Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ka Ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq.

Dhinaca kale Waxaa wali taagan Khilaafka Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Isku soo wada duuboo Isniintii ayay aheyd Markii Madaxweynaha Galmudug uu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.