DHAGEYSO+SAWIRRO:-Gudoomiye Cusub oo lagu doortay Garoowe

0

Golaha degaanka Magaalada Garowe ayaa goor dhow doortay Gudoomiye cusub ka dib doorasho maanta lagu qabtay Magaalada Garowe.

Musharaxiinta kala ah , Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke ayaa ku tartamaayay Duqa Magaalada Garowe.

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa ,wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose C/laahi Timacade iyo kuxigeenkiisa iyo  Wasirka Caafimaadka Puntland.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa ka kooban 27 Xubnood oo dhawaan la soo xulay .

Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , halka Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke  helay 8 cod.