DHAGEYSO+SAWIRO:- Habka Electarooniga ee Maareynta Dacwadaha oo la daahfuray

0

Munaasabad Ballaaaran oo lagu daah furayay Habka Electroniga ee dacwadaha uu hir geliyaay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu qabtay Xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer-ilaaliyaha Guud Dr. Axmed Cali Daahir , Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyayaasha Maxkamddaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir, ku xigeenada Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, Taliyayaasha Ciidanka Asluubta iyo Booliska, dhammaan Howlwadeenada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guudee Qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Talaabadaan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, Ahmiyad gaar ahna uu u leeyahay Habka Electroniga ee dacwadaha Xafiiska xeer-ilaalinta.