AKHRISO:- Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madax kale oo maxkamad la soo taagay.

0

Maxkamadda Sare ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray.

Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Maanta Maxkamada la soo taagay.

Ibraahim Mahdi :- Wasiirkii waxbarashada

Cumar Cabdi madixii siyaasadda ee ee xibiga Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP)

Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaalada Jigjiga

Raxma Mohammed : – Wasiirkii haweenka iyo dhalaanka

Cabdi Jamaal wasiirkii caddaalada

iyo Deeq Cabdullaahi iyo xubno kale

Isku soo wada duuboo ilaa iyo hada lama oga in Cabdi Maxamuud Cumar loo ogolaaday qareen iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xiraan, kadibna maxkamad la geeyo 24 saac gudahood, hadii aysan jirin xaalad amaan.