XOG:- Dowladaha Qadar iyo Sudaan Iska Kaashanaya Maalgalinta iyo Tababarida Sirdoonka Soomaaliya

0

Sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha sirdoonka dalka Suudaan Saalax Cabdalla Maxamed (Saalax Goosh), waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen.

Taliyuhu wuxuu la kulmay Ra;isul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka amniga Federaalka Maxamed Abukar Islow iyo Madaxda sare ee NISA. Taliyuhu wuxuu booqasho ku tegay dhismaha Xarunta Hay’ada Nabadsugida ee Habar-Khadiija ee Muqdisho.

Dowladda federaalka faahfaahin dheeraad kama bixin ujeedada rasmiga ee Socdaalka Taliyaha, waxaana loo diiday guud ahaa warbaahinta Muqdisho, Balse Ilo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in ujeedka Socdaalku ay la xiriirto qiimayn uu ku sameeyayo hab-dhismeedka hay’ada NISA, shaqadaeeda iyo tayada Ciidamadeeda.

Dowladda Qadar ayaa bixinaysa kharashka ku baxaya Tababarida iyo qalabaynta ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, waxaana qandaraaska la siiyay Dowladda Suudaan oo ay aad isugu dhow yihiin dowladda Qadar oo khilaaf culus uu kala dhexeeyo wadamada khaliijka

Booqashada Taliyaha Sirdoonka Suudaan, waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Taliye ku-xigeenka Hay’adda NISA u magacaabay Fahad Yaasiin oo xiriir fiican Dowladda Qadar iyo hay’adaha sirdoonkeeda