WARBIXIN: Madaxweyne Axmed Madoobe oo caburin xoogan ku haya Shacabka Gedo (DAAWO)

0

Kumanaan ka mid ah Shacabka Gobolka Gedo, ayaa si isku mid ah u dhigaya dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo hogaamiyaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxames Islaam (Axmed Madoobe).

Banaanbaxyadan ayaa siyaabo kala duwan waxay maalmihii ugu dambeeyay ka socdeen Degmooyinka Garbahaareey, Baardheere, Buurdhuubo, Afmadow iyo Degaano kale.

Shacabka oo u muuqda kuwa aad u careysan ayaa ku dhawaaqayay erayo looga soo horjeedo Maamulka Axmes Madoobe.

Faisa Maxamed oo ka mid ah banaanbaxaayasha ayaa u sheegtay Allgalgaduud in Hogaamiye Axmed Madoobe uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Jubaland.

Waxaa ay shaacisay in dibadbaxyadooda ay yihiin kuwa ay ku dalbanayaa in xilka uu ka dago Hogaamiye Axmed Madoobe.

Banaanbaxyaasha waxaa sidoo kale ay ku qeylinayeen in Hogaamiyaha uu sanadihii ugu dambeeyay caburin xoogan ku hayay Shacabka Gobollada Gedo iyo Jubooyinka.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in banaanbaxyada joogtada ah ay sababeen caburin Maamulka Jubaland uu ku hayo Shacabka.

Waxaa ay tilmaameen in ay muuqato wax qabad la’aanta Maamulka Axmed Madoobe, taasina ay keentay in Shacabka ay ka dhiidhiyaan.

Ilaa 7 sano iyo waxqabad la’aanta Axmed Madoobe

Hogaamiye Madoobe ayaa muddo 7 sano waxuu Maamulkiisa ka gudbi waayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxqabad la’aanta Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in ay horseeday in Al Shabaab ay ku xoogeysteen qeybo ka mid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyaa in uu xiriir dhow la leeyahay Xoogaga Al Shabaab, maadaana uu is hortaag ku sameeyay howlgallo militari oo la doonayay in lagu ciribtiro Al Shabaab.

Hogaamiyahan ayaa sidoo kale dhowr jeer Garoonka Kismaayo ku xanibay Abaanduuleyaal Ciidan oo Dowladda Federaalka u soo magacaabday Juba iyo Gedo, si looga adkaado Al Shabaab.

Waxaa hada meel xun maraya xiriirka Maamulkiisa iyo Dowladda Dhexe maadaama uu mas’uulkan diiday in la qaado howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo

Siyaasiinta Gedo ayaa aaminsan in Hogaamiye Axmed Madoobe uu dhaqaalo ka soo gallo dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyo Magaalada Kismaayo.

Dhoofinta dhuxusha sharci darrada ayaa waxaa sida la sheegay ka mas’uul ah Hogaamiye Axmed Madoobe, maadaama si la shaaciyay lagu dhoofiyo ogolaanshihiisa.

Dhaqaalo malaayiin doolar lagu qiyaasay ayaa waxaa laga helaa dhuxusha iyadoo xusid mudan in lacagtaas ay ka dhaxeysa Hogaamiyaha Maamulka Jubaland, Saraakiisha Kenya iyo Al Shabaab.

Dhibaatooyinkan uu ku kacay Maamulka Jubaland ayaa keentay in Shacabka ay dhigaan dibadbaxyo si meesha looga saaro caburinta ay kala kulmaan Axmed Madoobe.

Hogaamiyahan ayaa sidoo kale waxuu cabarin iyo xarig aan shari aheyn kula dhaqaaqay siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano, kuwaasi oo ka dhiidhiyay hogaan xumada Maamulkiisa.

Sikastaba, Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka taagan xiisad aad u kacsan, maadaama Shacabka ay weli dhigayaan banaanbaxyo looga soo horjeedo hogaamiyaha Maamulka Jubaland.