DHAGEYSO:- Wasiir khadiijo oo shaacisay inay AMISOM kabaxeen Stadium Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo Shir Jaraa’id ku qabatay Magalada Muqdisho ayaa wax ay ka hadashay kala wareegitaanka Ciidanka AMISOM ee Garoonka Stadium Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay qalabkoodii kala baxeen Garoonka,isla markaana lagu wareejiyey ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.