DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf Oo Shaaciyay In Weli Khilaaf Uu Ka Jiro Galmudug

0

Axmed Ducaale Gelle Xaaf Madaxweynaha maamulka Galmudug oo ka hadlayay arrimaha maamulkaasi ayaa shaaca ka qaaday in weli uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sarreysa Galmudug.

Khilaafkan ayaa waxa uu sheegay in uu dhexeeyo isaga, Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoonka Baarlamaanka oo isku dhinac ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in ballantu ay aheyd in la wada tago magaalada Dhuusamareeb, balse aysan suura galin arrintaasi sababo la xariira khilaafka weli taagan.