DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya Oo Loogu Baaqay In Ay Soo Faragaliso Doorashada K/ Galbeed

0

Iyadoo la filayo in dhawaan doorashada hoggaanka maaamulka K/ Galbeed ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin laga muujinayo doorashadaasi.

Aamina Maxamed Mursal oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilkaasi, islamarkaana horay u soo noqotay Wasiirka Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in qaban  qaabada doorashadaasi uu Afduubtay Madaxweyne Shariif Xasanb Sheekh Aadan.

Waxaana ay ku eedeysay in sida uu rabo umaamulanayo doorashadaasi oo u taagan yihiin dhowr Musharrax.

Ugu dambeyn Aamina Maxamed Mursal ayaa ugu baaqaday dowaldda federaalka ah ee Somalia in ay soo faragaliso doorashadaasi, si looga hortago in lagu shubto.