FAALLO:- Sidatan Jubbaland uunbey ka dhacdaa, meel kaloo Soomaaliya kamid ah kama dhacdo.

0

Sida aad wada og tihiin Dhulka Jubbaland waxa uu ka kooban yahay sadex gobol, sadexdaas gobol markii loo dhigo sadex, laba meel waxaa xoog ku haysta, kooxda Nabad iyo Nolol diidka xagjirka ah.

Maamulka Jubbaland tan iyo dowladdihii dalka soo maray ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne Xasan Sheekh waa ay diidanaayeen in la dhiso ciidamo tayo iyo xoog leh oo ka xoreeya dhulka Jubbaland kooxda Nabad iyo Nolol diidka xagjirka ah.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne Xasan Sheekh mar walba iyo si walba waxa ay isku dayayeen sidii Ciidamada SNA loo tababari lahaa, sidii loo qalabeyn lahaa, iyo sidii loo hawl gelin lahaa ciidamadaas tababaran ee ku sugnaa magaalada Kismaayo, si looga xoreeyo kooxda Nabad iyo Nolol diidka xagjirka ah deegaanada Jubbaland xooga ku haysta.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne Xasan Sheekh isku day walba oo ay sameyeen, Taliye walba ama Wasiiro walba oo ay u soo direen ciidamada SNA ee ku sugnaa magaalada Kismaayo, maamulka Jubbaland waa diideen dib ayayna intoodii badnaa uga soo cesheen magaalada Kismaayo.

Dowladda Federaalka ee hada joogta, waxa ay bishii July 2018 usoo magacowday Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidamada XDS Jeneral Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow), isagana waa loo diiday inuu guto hawlihii shaqo ee loo soo idmaday, kuwaas oo ahaa in la qalabeeyo, lana hawlgasho ciidamada XDS ee ku sugan Kismaayo, dib ayaana looga ceshay magaalada Kismaayo isagoo markii dambe ka dagay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland todoba sanadood iyo sadex dowladdood, waxa ay ku andacoonayaan Taliyeyaal iyo ciidamo tababaran anagaa heysano ama anagaa tababarayna, waa noo joogaan, waana hawl gelinaynaa, abidna lama arag ciidamo iyo taliyeyaal tababaran oo ay maamulka Jubbaland hawl gasheen oo dhaafa duleedka magaalada Kismaayo. Ma Jubbaland ayaa waalan mise sadexda dowladdoow ee dalka ayaa waalan?

Maamulka Jubbaland Taliyeyaasha ay noo sheegayaan inay haystaan oo tababaran yihiin, islamarkaana ay hawl gelinayaan waa kuwan direyska iyo darajada Ciidamada Xooga Dalka gedis gediska u gashanaya. (FADLAN EEGA SAWIRKA HOOSE) waa Sarkaal kamid ah Saraakiisha Jubbaland ee birta calaashaday.

Sidatan Jubbaland uunbey ka dhacdaa, meel kaloo Soomaaliya kamid ah kama dhacdo.

Gabgabadii sidatan waxa ay gef qaawan ku tahay shacabka Jubbaland iyo Ciidamada XDS, sababtoo ah waa la awoodaa in kooxda xagjirka ah laga xoreeyo deegaanada Jubbaland ee ay xooga ku haystaan, waxaa muuqatase in maamulka xiligan ka arrimiya Jubbaland uu diidan yahay in dhulka Jubbaland laga xoreeyo kooxda Nabad iyo Nolol diidka xagjirka ah, waxaa kaloo muuqata in ay jirto wada shaqeyn hoose oo ka dhaxeysa Maamulka Jubbaland iyo kooxda xagjirka ah, waxaana daliil u ah (CADEYN) hadalkaas, todoba sanadood, sadex dowladdood in maamulka Jubbaland mar walba is hortaagayaan ama diidayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo tayo u yeesho, qalabeeyso ayna hawlgeliso si loo xoreeyo dhulka maqan.

W/Q: Nur Ugas
Email. nurugas@gmail.com