DHAGEYSO:- Guddiga joogtada ee Golaha shacabka oo ka hadlay qorshe howleedka kalfadhiga 4aad

0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlayay qorshayaasha golaha horyaala kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo dhawaan furmi doona.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay soo bandhigeen ajendayaasha horyaala golaha kalfadhigan soo socda gaar ahaan kuwa horutabinta leh.

Ugu dambeyn Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa go’aamiyay ama mudeeyay jadwalka golaha lagu horkeenaayo shuruucda maraya heerarka kala duwan ee akhrinta.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in xubnaha guddiga ay ka doodeen sidii kalfadhiga afaraad marka uu furmo loo dardar gelin howlaha golaha horyaalla.